HomeWarkiiXOGTA: Madaxweyne ku xigeenkii Kenya oo su'aalo laga weydiinayo hadalkiisii ahaa in...

XOGTA: Madaxweyne ku xigeenkii Kenya oo su’aalo laga weydiinayo hadalkiisii ahaa in Ruto xiriir la leeyahay Alshabaab.

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Hay’adaha amaanka Kenya ayaa la sheegayaa inay isu diyaarinayaan sidii ay su’aalo u weydiin lahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua kaasoo hadda ku sugan Dalka Mareykanka kadib hadalo culus uu dhawaan jeediyay isagoo shaaciyay in Madaxweynaha Kenya uu xiriir la leeyahay kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ku xigeenka hada jooga iyo wasiirka arimaha dibada Kenya ayaa doonaya in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua marka uu dalka ku soo laabto wax laga weydiiyo cadeymo inuu u keeno eedeyntiisa ah in Ruto Alshabaa xiriir la leeyaay islamarkaana uu dhawaan kula kulmay Xad beeneedka Somalia iyo Kenya gaar ahaan ismaamulka Mandera sida uu isagu ka sheegay Mareykanka.

Masuulkaani waxaa macquul ah inuu xabsi muteysto sida wararku tilmaamayaan hadii uu cadeyn u keeni waayo eedeymaha culus uu u jeediyay Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

Masuuliyiinta Kenya waxay sheegeen in hadalka  Rigathi Gachagua ay ka dareemeen xaalad qatar argasio oo dalkoodu wajahayo.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Kenya ayaa soo jeediyay in xabsiga loo taxaabo Rigathi Gachagua marka uu dalka ku soo laabto hadi uu cadeyman u keeni waayo dhaleeceynta uu u jeediyay Ruto.

Masuuliyiintaan waxay sheegeen in Rigathi Gachagua inuu u gafay Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto islamarkaana uu dano gaar ah ka shqeynayo, sidaas daraadeedna ay tahay  in cadaalada la hoe geeyo.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Rigathi Gachagua inuu dhaafay xuduudii mucaraadnimada islamarkaana aa la fahmin waxa uu ka shaqeynayo xiligaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMBaarlamaanka Kenya oo bilaabay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya – Goobjoog

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -