HomeWarkiiXOGTA: Madaxweyne Xasan oo khud-badiisa caleema saarka  ku soo qaadan doona inuu...

XOGTA: Madaxweyne Xasan oo khud-badiisa caleema saarka  ku soo qaadan doona inuu aqbalay dalabkii mucaaradka ee shirkii Kismaayo.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in is faham horu-dhac ah oo dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka sama-tabixinta ee Muqdisho ku sugan kadib wada hadal taleefoon oo shalay uu la yeeshay.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan u xaqiijiyay mucaaradka Samatabixinta inuu aqbalay dalabkii shirka Kismaayo ay ka soo jeediyeen Golaha Mustaqbalka ee ahaa in Madaxweynuhu 20-ka bisha ku dhawaaqo qabashada shir u dhexeeya Dowlada iyo saamileyda siyaasada kaasoo looga hadli doono in heshiis laga gaaro in Dowladu waqtigii lagu balamay doorashao qabato islamarkaana laga heshiiyo nuuca doorasho madaama la isku khilaafsan yahay qaabka.

inkastoo masuuiyiinta uu Madaxweynaha la hadlay aan xogta ku helin hadana waxaa dhici karta in qaarkoo safaro ku maqan yihiin,balse wararka ayaa tilmamaya in wada-hadalka la isla gartay.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo hore u soo baxay oo qeexayay in Shirka mucaaradka iyo Madaxweynaha uu ka dhici doono Magaalada Dhuusa-mareeb halkaasoo Axmed Madoobe iyo Deni ay dal-badeen markii ay Muqdisha ka muujiyeen kalsooni daro dhanka amnigooda ah,wararkaasi ayaaa xusaya in Dowladu aqbashay meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin Puntland iyo Jubaland.

Dhanka kale xogahaan waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Xasan khud-badiisa xaflada caleema saarka ee hada socota uu kaga dhawaaqi doono gogosha uu u dhigayo mucaaradka iyo  in laga wada hadli doono doorashooyinka ,waqtigooda iyo qaabka ay noqon doonaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -