MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirkii maanta Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Xassan iyo Madasha samatabixinta mucaaradka ayaa natiijo wanaagsan laga soo wariyay kadib markii is afgarad laga gaaray qodobadii la isku hayay kuwoodii ugu miisaanka cuslaa.
Wararka shirka ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh ka tanaasulay qodobkii ugu adkaa ee ay mucaaradka iyo Puntland ka cabanayeen .
Madaxweyne Xassan wuxuu mucaaradka ka aqbalay codsigii ugu weynaa taasoo ah in Dowlada Xassan ka laabato wax ka badalkii ay ku sameeyeen baarlamaanku cutubka 4-aad ee dastuurka halkaasoo ay ku urursan yihiin inta badan qodobada mucaaradku ka diidanayeen Dowlada Xassan sidoo kale Puntland ay diidanayd.
Cutubkaan sidii uu hore ugu qornaa ayay mucaaradka iyo Puntland-ba rabaan in sidiisii hore loo daayo madaama Dowlada Xassan lagu eedeeyay inay wax ka badal ku sameysay cutubka 4-aad markii baarlamanku dhawaan meel mariyay wax ka badalkiisa dhamaan marka hal qodob laga reebo.
Hadaba cutubka 4-aad ee Madaxweynuhu aqbalay inay Dowladu sidiisii hore ku celiso wuxuu qeexayaa nuuca doorashada dalka laga hirgelinayo ,xeerark la xiriira sida gudiga doorashooyinka axsaabta ,cod-bixiyayaasha sida ay ku imanayaan golayaasha baarlamaanka,madaxweynaha kuwaasoo dhamaan mucaaradku sheegeen in Dowladu u badalatay sidey iyadu rabto balse ugu dambeyn manta u tanaasulay madaxweynuhu mucaaradka, wuxuna aqbalay in dib loogu laabto tusaale ahaan sidiisii hore oo celiyo.
Inkastoo shir kale 10-ka Agosto lagu balamay oo aan hada la soo bandhigin warqad ay ku qoran tahay heshiiska labada dhinac hadana Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu codsaday in fursad la siiyo si uu ula soo tashto Dowlada uu hogaamiyo iyo maamul Goboleedyada isaga la socda.
Hadii Madaxweynuhu ka dhabeeyo in cututbka 4-aad sidiisii hore loo celiyo oo Dowladu ka tanaasusho wax ka badalka ay ku sameysay waxay noqoneysaa in laga gudbay qodobkii keenay khilaafka ugu weyn ee u dhexeeya Dowlada iyo mucaradka xili waqtiga Xasan uu gabaabsi yahay loona baahan yahay in doorashooyin la qabto xili mucaaradku dhawaan Madaxweyne Xassan ku raaceen inan lagu laaban doorashooyinkii dad-banaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
