HomeWarkiiXOGTA : Maleeshiya Beeleedka Deegaanka Yaaqbari-weyne oo laga dhigay mid la dilay...

XOGTA : Maleeshiya Beeleedka Deegaanka Yaaqbari-weyne oo laga dhigay mid la dilay iyo mid  la soo qabtay

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo Dowladu dirtay ayaa cagta mariyay maleeshiya beeleed isbaaro u tiilay Deegaanka Yaaqbari-weyne oo hoos yimaada Magaalada Wala-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya Milateriga Somalia weerarka qaadeen uu lahaa laba ujeedo oo kala ahaa soo qabashada eedeysanayaal deegaankaasi ka soo jeeda oo dhawaan Maxkamada ciidamadu dil ku xukuntay iyo inay qaadaan isbaarooyinka ay dhigteen maleeshiyada Deegaanka Yaaqbari-weyne.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Axmed Gaashaan oo ah sarkaalka hogaaminayay Milateriga Somalia waxay howlgalka ku kala eryeen maleeshiyaadkii jid-gooyadu u tiilamay iyagoona ka dhigay mid ay dileen ,mid dhaawacmay iyo kuwo ay nolosha ku soo qabteen iyaga iyo hubkoodiiba.

Axmed Gaashan wuxuu xusay in sedex ka mida maleeshiyaadka ay dhinteen intii howlgalku socday halka 4 kalan ay nolosha ku qoo qabteen oo laba ka mida ay dhaawacyo qabaan islamarkaana u gudbin doonaan Hay’adaha amniga ee Dowlada Somalia si sharciga loo hor geeyo.

Sarkaalka hogaaminaya ciidamada wuxuu intaasi ku daray in labadii qorshe mid ay soo fuliyeen kaasoo ahaa isbaara qaadka halka qorshihii soo qabashada aysan wali u suragalin  balse ay doonayaan inay soo qabtaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -