KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw kulamada wada-xaajoodka ee Kismaayo ku dhexmari doona Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegaya in masuuliyiin sar sare ee Dowlada Kenya ka socday ay qeyb ka noqon doonaan si ay ugu kala dab qaadaan labadaani masuul ee Soomaaliyeed oo la qiyaasayo inay mowqiyo ad-adag kala taagan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Sirdoonka Kenya ayaa lagu wadaa inay dhex dhexaadiyaan Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe xili ay Kismaayo ku soo wajahan yihin saacadaha soo socda sida aan xogta ku helnay.
Ujeedka u kala dab-qaadka ayaa loo maleynayaa inay imaaneyso madaama laga cabsi qabo inay qodobada qaar isku qabtaan si markaas loogu cadaadiyo inay isu tanaasulaan oo meesha heshiis lagu kala saxiixdo.
Kenya kaliya maaha dalalka shisheeye ee ku lugta leh cadaadista labadaan masuul lagu saarayo inay is heshiiyaan iyadoo markii hore qorshuhu ahaa in Kenya ay ka dhacdo wada hadaldaani balse Madaxweyne Xassan ayaa diiday in dal aan Somali ahayn aysan ku wada hadli doonin.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna ku leh qorshhaan la doonayo in la isugu soo dhaweeyo labadaani masuul,sidoo kale Itoobiya ayaa ku jirta sheekadani shirkada lagu yahay ee dhamaan hal jiha ku wada socda taasoo ah inay mar kale wada shaqeeyaan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubaland oo ka mida maamul Goboleedyada hoos taga Dowlada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
