HomeWarkiiXOGTA: Maxaa isku soo aadiyay qorshe halis ah oo mucaaradku damacsanaa iyo...

XOGTA: Maxaa isku soo aadiyay qorshe halis ah oo mucaaradku damacsanaa iyo go’aanka Dowlada ee Beesha Caalamka lagu wiiqay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maalmihii ugu dambeyay soo xoogeysanayay shirarka kooxaha mucaaradka Somali ku lahaayeen Magaalada Nairobi sida madaxdii hore u soo xukuntay Dowladihii hore ee dalka iyo madaxda hada ee maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland kuwaasoo halkaasi ka waday qorshayaal halis ku ah Dowlada hada jirta ee Madaxweyne Xassan hogaamiyo.

Qorshayaasha halista ah ayaa ah in dhawaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan kuwa musharixiinta ay si rasmi ah mareykanka u weydiisteen inuu iyaga taageero si ay Dowlada Turkiga uga eryaan Somalia islamarkana ay meesha ka saaraan xiriirka Madaxweyne Xassan la sameystay Turkiga.

Mucaaradka qorshahaan wata oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay ka mid yihiin Shariiif,Shirdoon Saacid,Kheyre iyo Cumar C/rashiid ayay ku dalbadeen in Mareykanku taageero fangareeyo doorashada soo socota si mid kasta oo iyaga ka mida uu markuu soo baxo Turkiga uga eryo Somalia iyagoo u arka in Mareykanku arintaasi aad u daneynayo.

Qorshihii mucaaradka waxaa hada ka soo dul booday qorshe kale oo u muuqda inuu ka hor tag u yahay qorshaha mucaaradka ,wuxuuna qaatay Madaxweyne Xassan siyaasad ah inuu reer Galbeedka dhan iska riixo taas badalkeedana uu dano dhaqaale kula heshiiyo Dowlada Turkiga taasoo u muuqata mid iyadana halisteeda leh madaama uu bilaabanyo loolan rasmi ah oo Turkiga iyo reer galbeedka inkastoo ay iskula jiraan isbahaysiga NATO.

Go’aanka adag ee Madaxweynaha Somalia uu qaatay ayaa u muuqda mid uu ku doonayo inuu dhowr shinbirood uu hal dhagax kaga taqalusayo sida in xukunka uu sii dheereysto,inuu mar kale soo laabto iyo inuu quluubta Somali oo dhan kasbado marka uu bilaabo in shidaalka dibada loo iiggeeyo madaama Dowladu halkaasi ka heli karto dhaqaale ay ku kala disho mucaaradka iyo cid kasta oo ay garab ka heli karaan.

Si kastaba labadaan qorshe waxaa la dhihi karaa waxa isku soo aadiyay danaha siyaasadeed ee labada dhinac oo raba inay kala cuskadaan Turki iyo Mareykan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -