NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Magaalada Nairobi ay ku balansan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo labada maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubaland kuwaasoo iyaga latigoodu mucaaradka ka mid ah.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa hada ku sugan Magaalada Nairobi waxaana sidoo kale saacadaha soo socda ku soo wajahan Madaxweynaha Maamulka Puntland iyagoona shir wada tashi qaadan doona ka hor inta aysan siyaasiyiinta kale iman.
Mucaaradka samatabixinta sida Sharii, Sheekh Axmed , Xasan Cali Kheyre iyo C/ramaan C/shukuur ayaa lagu wadaa inay iyaguna Nairobi gaaraan kadib waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kaga dhawaaqaan Isbahaysi weyn oo ka dhan ah Dowlada Madaxweyne Xassan madaama waqtigii kala guurka lagu dhaw yahay.
Dhanka Farmaajo isaga wali warkiisu ma cada inkastoo ay suurtagal tahay inuu ku soo biiro isbahaysigaan madaama uu xukun doon yahay islamarkaana ka mid yahay mucaaradka kuwooda ugu waa weyn.
Diyaarinta Isbahaysigaan ayaa ku soo aadaya xili Dowlada ay heshiis la gashay mucaaradka garabka Cumar C/rashiid iyadoo ay muuqato in habka doorashada loo marayo ay u badan tahay in xitaa kuwa garabka kale ay aqbali doonaan walow qodobada qaar ay wali diidan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
