HomeWarkiiXOGTA: Muqdisho oo Dowlad Goboleed noqoneysa iyo magaca oo noqon doona maamulka...

XOGTA: Muqdisho oo Dowlad Goboleed noqoneysa iyo magaca oo noqon doona maamulka caasimadda.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar aad u arxad gelin doona dadka reer Muqdisho ayaa dhawaan Dowladu daboolka ka qaadi doonaa taasoo ah in Muqdisho loo aqoonsan doono  Dowlad Goboleed la awood ah kuwa kale ee dalka sida Puntland, Somaliland, Jubaland, Gamudug, Hirshabelle, Koofur-Galbeed,Hirshabele iyo Waqooyi Bari.
Maamulka Muqdisho waxaa loogu yeeri doonaa magaca maamulka caasimadda,sidoo kale masuulka ugu sareeya waxaa loogu yeeri doonaa Duqa maamulka caasimadda sidaas si la mid ah beri marka dastuurka la ansixiyo xitaa Madaxda Maamul Goboleedyada looguma yeeri doono Madaxweyne wixioi hada ka danbeeya Gudoomiye Gobol ayaana loogu yeeri doonaa.
Sidoo kale Muqdishio si la mid ah Maamul Goboleedyada dalka waxay yeelan doontaa  sedexda Hay’adood ee kala ah Baarlamaan, Xukuumad iyo Garaoor madax banaan balse dhanka Dowlada dhexe Caasimada waxay ku yeelan doonaan Hay’ado Amni oo Dowlada toos u hoos taga.
Dhanka kale Senetarada Aqalka sare waxa lagu qaybin doonaa 18 gobol, sidaas ayayna gobolka banaadir ku heli doontaa seddax senator.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of skyscraperMay be an image of skyscraper and street
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -