HomeWarkiiXOGTA: Qorshaha Dowlada ay ka leedahay abaabulka dagaalka alshabaab lagu qaadayo.

XOGTA: Qorshaha Dowlada ay ka leedahay abaabulka dagaalka alshabaab lagu qaadayo.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dhawaan ayay ahayd markii Afhayeenka Wasaarada Gaashaadhiga Somalia Sheekh Abuukar uu cadeeyay inuu jiro howlgal cusub oo loogu magac daray daafuunta aamusan kaasoo Dowladu dooneyso inay dib uga saarto Alshabaab dhamaan degmooyinkii iyo deegaanadii ay qabsadeen .

Dhaq dhaqaaqyada fulinta howlgalkaasi waxaa shalay bilaabay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi kaasoo durba boqoday furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeelaha dhexe isagoona halkaasi kula hadlay ciidamo Dowlada ka tirsan,waxaana ka mid ahaa hadaladiisa awaamiir uu ku farayay ciidamada inay difaaca ka baxaan islamarkaana weerar qaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan ayaa isna socdaal Gobolada ah doonaya inuu bilaabo isagoo ugu horeyn tagaya Magaaalada Dhuusa-mareeb  halkaasuu uu ka xarig jari doono mashaariic la dhaqan geliyay sida dhismaha golaha baarlamaanka iyo midka garoonka diyaaradaha oo isagana dhamaad maraya,sidoo kale Madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu ciidamada Xooga kula hadlo xeyahooda.

Sida aan xogta ku helnay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Xassan waxay ku cadaadinayaan inuu qabto doorasho la isku raacsan yahay ,sidoo kale waxay ku adkeeyeen inuu mucaaradka ku qanciyo sida uu rabo inuu dalka doorashada uga dhaqan geliyo.

Xogtu waxay intaasi ku darayaa in Madaxweynuhu doonayo sidii uu isaga jeedin lahaa indhaha Beesha Caalamka, sidaas daraadeed ayuu doonayaa inuu dhanka dagaalka ku mashquuliyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka taasoo lagu yaqaan Madaxweynaha inuu siyaasado marin habaabin ah ciyaaro si ugu dabeyn mudo kororsi uu u sameysto isagoo ku mar marsiyoon doono in waqtigu ku yaryahay.

Lama yaqaan sida Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradkuba ay uga falcelin doonaan dagaalkaani Dowladu qorsheyneyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -