HomeWarkiiXOGTA: Qorshayaasha Dowlada ee lidiga ku ah Jen.Saneey Cabdulle

XOGTA: Qorshayaasha Dowlada ee lidiga ku ah Jen.Saneey Cabdulle

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa mar kale dib u soo laabtay hadal heynta qorshaha Dowlada ay hub ka dhigista ugu sameyneyso Jen.Saneey Cabdule oo ah Taliyaha Guutada 3-aad ee Qaybta 12-ka Abriil ee Xoogga Dalka balse Dowladu uga shakisay inuu xiligaan Dowlada lidi ku yahay islamarkaana uu mucaaradka la soo safan karo.

Sida aan xigta ku helnay waxaa socda qorshe siyaasadeed oo Dowladu u dejisay hub ka dhigista Saneet Cabdulle taasoo ah in marka hore xilalka laga qaado cid kasta oo xil heysa oo laga yaabo inay u hiilan karto Dowladu hadii la weeraro.

Siyaasiyiinta looga cabsaday inay garab siin karaan midkood isla maanta xilka waa laga qaaday waana Gudoomiyaha Degmada Gubadleey ee Magaalad Muqdisho waliba ku sii darsoo Dowladu ninka ay magacowday waa Korneel Ciidan oo lagu magacaabo Col. Yuusuf Muuse Guure.

Sidoo kale qorshaha Dowlada waxaa ku jira in xilka laga qaado Taliyaha ciidamada Booliiska Gubadleey iyo kuwo kale si howlgalka Dowlada ee hub ka dhigista uu sahlanaado, talaabooyinkaan ayaa dhacaya xili 16 maalin kadib ay ku aadan tahay dhamaadka muda xileedka Dowlada Somalia.

Saraakiisha ku dhaw dhaw Madaxtooyada ayaa dooneysa inay 15ka may ka hor soo afjaraan qorshayaasha lagu xalinayo dadka Dowlada ka soo horjeeda oo sida la rumeysan yahay uu ka mid yahay saneey Cabdulle inkastoo wali dhankiisa iyo dhanka Madaxtooyada aan wax cadeyn ah laga helin inay isku dhacsan yihiin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -