HomeWarkiiXOGTA: Saciid Deni oo mar kale wajahaya fadeexad Siyaasadeed

XOGTA: Saciid Deni oo mar kale wajahaya fadeexad Siyaasadeed

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale uu fadeexad wajahayo Madaxweyaha Maamulkaasi Saciid Deni oo marar dhowr ah eedo badan kaga timid dhanka shacabkiisa marka la eego hab maamulkiisa.

Fadeexada cusub ee saciid deni wajahyo ayaa ah markii Boosaaso ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah ciidamadii ku soo dhaawacmay dagaalada calmiskaad ee ka dhanka ah   Daacish kuwaasoo ka cabanaya daryeel la’aan.

Ciidamada oo dhaawacyada ay qabaan uu kala heer heer yahay islamarkaana qaarkood la arkayo inay wali biro ama ulo ku socdaan oo aanay awoodin inay lugahooda ku socon ayaa hadana laamiga la soo istaagay cabasho daryeel la’aan.

Arinat ugu cajiibsan ayaa ah in ciidamadaani dhaawacyada qaba ay xirteen wado ka mid ah kuwa Boosaaso si ay cabashadooda u gaarto madaxda maamulka kadibna ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin.

Ciidamada dhaawacyada qaba oo qaab gadodo oo kale ah u dhaqmaya ayaa lagu arkay nawaaxiga isbitaalka iyagoo wadada xirtay waxay sheganaya adeeg xumo caafimaad.

lama yaqaan sida uu Madaxweynaha Puntland iyo wasirka caimaadkaba ay uga jawaabi doonan cabashada ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalka Calmiskaad ee Puntland kula jirto kooxda Daacish.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -