HomeWarkiiXOGTA: Safarka Cali Jeyte ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

XOGTA: Safarka Cali Jeyte ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

JIG-JIGA (DAYNIILE.COM)-Cali Jeyte Cusman oo ah ergeyga Xafiiska Madaxweyne Xasan ugu qaabilsan arimaha ciidamada Macawisleyda ayaa safar ku tagay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Cali Jeyte oo hadalo kooban ka jeediyay soo dhaweyntiisa ayaa sheegay inuusan u iman booqasho balse uu u yimid in ciidamada Macawisleyda Hiiraan oo dhiig baxaya uu u helo garab istaag.

” Jig-jiga uma aanan iman booqasho aniga iyo wafdigeyga, balse waxaan ka soo tagnay  dad dhiig baxaya hal reerna ka soo jeeda oo walibana afar sano dagaal kula jira Alshabaab islamarkaana xaalad adag ku jira sidaas daraadeed socaalkeenu waa inaan gurmadka u helnaa macawisleyda “ayuu yiri Cali Jeyte

Sarkaalkaani wuxuu intaasi ku daray in macawisleyda reer Hiiraan ay dadaal badan geliyeen sidii ay u cirib tiri lahaayeen Alshabaab kaliyana waxa ay xiligaan u baahan yihiin ay tahay gurmad walaalnimo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -