HomeWarkiiXOGTA: Safarka Madaxweyne Xasan uu Beri ku aadayo dalalka Jabuuti iyo Turkey

XOGTA: Safarka Madaxweyne Xasan uu Beri ku aadayo dalalka Jabuuti iyo Turkey

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa beri galinka hore waxaa lagu wadaa inuu safro Dalalka Jabuuti iyo Turkey.

Wararku waxay tilmaamayaan in Madaxweynuhu Jabuuti uga qeybgeli doono Shir ay leeyihiin Dalalka Urur Gojoleedka IGAD kaasoo ay Somali dalbatay si looga hadlo duulaanka Yuhuudu ku soo qaadeen madax banaanida dhuleed ee Somallia.

Dalalka IGAD waxaa lagu wadaa inay cod mideysan ku canbaareeyaan kuna diidaan damaca Yuhuuda kadib markii ay 26-kii bishaan ay ku dhawaaqeen inay Dowlad ahaan u aqoonsadeen Somaliland.

Sidok kale Madaxweyne Xassan wuxuu Jabuuti kadib u safri doonaa Dalka Turkey halkaasoo uu kula balansan yahay Madaxweynaha Dalkaasi Ordagan isagoona laba qodob kala hadli doona arinta qadiyada duulaanka Israa’iil iyo tii shidaalka Somalia oo arintaan ka hor ay u balansanayeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -