HomeWarkiiXOGTA: Safiir Soomaaliyeed oo Lix Dal iyo Ururka Bariga Afrika kaligiis wakiil...

XOGTA: Safiir Soomaaliyeed oo Lix Dal iyo Ururka Bariga Afrika kaligiis wakiil uga ah Dalkeena

Wali ma maqashay hal Safiir oo Dowlada Soomaaliya u fadhiya 6 dal iyo Ururka Bariga Afrika kaasoo dhamaan shaqooyinkaasi isku haya.

Masuulka intaas oo xil kaligiis isku haya waa Ilyaas Cali Xasan, marka ugu horeysa aan ku baree wuxuu si rasmi ah u yahay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Sidoo kale Danjire Ilyaas Cali Xasan waa safiir aan joogto ahayn (non-resident ambassador) oo u fadhiya Soomaaliya waddamada kala ah Rwanda, Congo, Malawi, Mauritius iyo Komoros.

Maanta oo taariikhdu tahay 9 Julayo 2025 wuxuu gaaray Dalka Comoros waxaana warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani.

Safiir Ilyaas wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Comoros soo dhoweynta loo sameeyay  iyo sidoo kale garab istaagga uu u muujiyay Somalia intii uu hayay xilka Madaxtinimada Midowga Afrika.

Dhanka kale kulan mudo kooban uu safiir Ilyaas la qaatay Madaxweynaha ayaa lagu soo hadal qaaday xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Comoros,waxayna isla garteen  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka Afrika.

 

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people and textMay be an image of 7 people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -