SIAYA (DAYNIILE.COM)-Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Saldhiga Booliska Ng’iya ee ismaamulka Siaya subaxnimadii hore ee saaka oo axad ah ayaa sababtay dhimashada laba askari oo booliis ah, taasi oo ay mas’uuliyiinta uga shakisan yihiin in ay ka dhalatay muran shaqsi ah ama dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah.
Dhacdadan ayaa dhacday abaare 6:00 subaxnimo ee saaka markii la sheegay in Constable Martin Mwendwa uu toogasho ku dilay sarkaalkii ka sareeyay oo lagu magacaabi jiray Corporal Chesise, kaasoo ahaa sarkaalka xukuma saldhiga.
Sida laga soo xigtay bilaysku, Mwendwa wuxuu isku hubeeyay qoriga G3, oo galay guriga meydka, oo uu ku furay rasaas—si xun ayay uga dhaawacantay laabta iyo gacmaha.
Isagoo xaqiijinaya dhacdadan, Taliyaha Bilayska ee Jufada Gem Yala Charles Wafula ayaa sheegay in saraakiisha saldhiga ay si degdeg ah uga jawaabeen kadib markii la maqlay rasaastii ugu horeysay.
Constable Mwendwa waxa uu isku dayay in uu u baxsado dhanka Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Ng’iya, laakiin waxaa dhexda u galay oo si xun u toogtay askar kale intii uu iska horimaadku socday taasoo dhimashada ka dhigtay laba sarkaal.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
