MUQDISH O(DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi haanba istaagay shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib markii shirkada Dalka Turkey laga leeyahay ee Favori taasoo maamusha garoonka ay shaqadii ka erisay shaqaalihii Soomaalida ah ee kala waday shaqada garoonka.
Muuqaalo laga helay Garoonka ayaa muujinaya inay gaartay in diyaaradaha ay boorsooyinka kala soo degaan shirkadaha diyaaradaha iyagoon heysan wax agab ah kaliya gaadiidka yar yar ee xamuulka ayay diyaarada kaga soo qaadaayaan .
Isu soo bax ay sameeyeen shaqaalaha ayaa sidoo kale la arkayaa muqaalo laga soo qaaday waxaana garoonka maanta ka taagan dhibaato maamul xumo ka timid shirkadii qandaraaska lagu siiyay garoonka ee Turkida taasoo lagu magacaabo Favori.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa la xasuustaa inuu dhawaan tagaya Garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo arkay adeeg xumida heysta dadka garoonka ka soo dega iyo kuwa ka duula wuxuuna digniin siiyay wasiirka iyo mareeyaha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



