HomeWarkiiXOGTA: Shariif Sh.Axmed oo ku gacan sayray ergo uu Madaxweyne Xasan u...

XOGTA: Shariif Sh.Axmed oo ku gacan sayray ergo uu Madaxweyne Xasan u soo direy

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan xog hoose ku helnay Madaxweynihi  hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa ku gacan sayray ergo uga timid dhanka Madaxweynaha Somalia ee xiligaan Dr.Xassan Sheekh.

Shariif waxaa la sheegay inuu diiday wax wada xaajood ah isagoo ku adkeystay in Dowlada looga fadhiyo inay diyaariso doorasho madaama uu gabaabsi yahay muda xileedka Dowlada Madaxweyne Xassan.

Warar ku dhaw dhaw Xildhiban Shariif ayaa sheegayas inuu ku goodiyay in hadii Madaxweyne Xassan uu doorasho diyaarin in Dowladnimada loo sinaan doono.

” 16-ka may haduusan xal doorasho ka hor keenin waa loo sinaan doonaa canshuur qadida, iyo xarrunta Dowlada sida Madaxtooyada oo kale “ayaa yiri Shariif  sida aan xig ku helnay .

Hadaladaan ad-adag ayaa ku soo aadaya xili 7 bil qiyaas ay ka harsan tahay muda xileedka Madaxweynaha Dowlada Faderaalka  Soomaaliya.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.C

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -