HomeWarkiiXOGTA: Shirkii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada taageersan oo beri la iskugu soo...

XOGTA: Shirkii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada taageersan oo beri la iskugu soo laaban doono

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa in beri mar kale ay shir isugu iman doonaan Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada 4-ta ah ee taageersan siyaasada Dowlada kuwaasoo kala ah Hirshabelle,  Koofur-galbeed,Galmudug iyo Waqooyi bari.

Xogta aana halyno ayaa sheegaya in shirka laga sii anba qaadi doono sida warbixinteenii hore aan idinku spoo bandhignay oo ahayd in Dowladu cadeyso kuna dhawaaqdo Musharixiinta Madaxweynayaasha Maamuladaani ee ku matali doona Xisbiga JSP xili madaxda qaar yuhunsan yihiin in Madaxweyne Xassan si hoose u wato musharixiin kale islamarkaana uusan dooneyn inuu cadeeyo mowqifkiisa.

Madaxweyne Xasan oo aad loogu dhaqan yahay kulanka beri waxaa heysata laba daran mid dooro inuu dadkiisa dhan isku wato iyo inuu gaar u cadeeyo musharaxa uu wato taasoo ka yara duwan qorshihiisa oo ah ilaa dhamadka inuu mid kasta si hoose ugu sheego inuu isaga wato.

Dhanka quburada siyasada taxliilisa waxay isku raacsan yihiin Dowlada markaasi awooda heysa inay 80 awood u leedahay inay soo saarato madaxweyne Maamul Goboleed oo ay iyadu wadato waana sababta madaxda maamuladaasi 4-ta ah dhamaantood u galeen xisbiga JSP taasoo sidii ay kursiga u sii heysan lahaayeen.

Dhanka kale sida lagu bartay Madaxweyne Xasan wuxuusan rabin inuu dib u dhigto wuxuu u leeyahay xirfad siyaasadeed, si kasta uu u sii mashquulin karana wuu isku dayayaa, tusaale ahaan banaan baxyadii mucaaadku qorshenayay oo kale oo ilaa hada aan la aqoon sida dowladu isaga damisay.

Si kastaba kulanka la sheegay in beri uu dhexmari doono Dowlada iyo Maamul Goboleedyada Hirshabelle,  Koofur-galbeed,Galmudug iyo Waqooyi bari ayaa lagu wadaa in Madaxtooyadu cadeyso go’aankeeda hadiiba uusan baaqan kulanka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -