Sida ku cad waraaqo dhameystiran oo ay heshay Gaylan Media ayaa muujinaya sida loo kala qaatay dhulkii Jaamacada Ummada, gaar ahaana qeybta Kuliyadda Caafimaadka.
14-kii June, wasiirka Caafimaadka XFS ayaa warqad u qoray Madaxweyne Xassan Sh oo kusheegayo in dhulkii Kuliyadda Caafimaadka laga maarmay.
Isla 14-kii June, Madaxweynaha ayaa kajawaabay kuna amray gudoomiyaha Banaadir in dhulkan Jaamacadda loo sharciyeeyo ganacsato lasiiyay oo ay kamid yihiin xubno Bangiyada madax ka ah iyo Wasiiro hore oo ganacsato ah, sida kucad waraaqaha lacag bixinta ee aan helnay.
24-kii June, Raktarkii hore ee Jaamacadda ayaa diiday bixinta dhulkan, isagoo sheegay in aan laga maarmin, balse xilka waa laga qaaday maadaama uu iibka dhulka diiday.
96 boos ayaa loo kala qeybiyey dhulkan, halkii boos ayaa lagu qiimeeyey 40kun oo dollar ilaa 35kun.
WAXAA QOREY WARIYE : Faarax C/qaadir Geylan

