Gudoomiyaha Degmada Maxaas ayaa si cad u kashifay taatikadii Alshabaab ay qabsadaan Magaaladiisa iyo sababta ay hada ugu sahlan tahay inay sidaas oo kale u qabsadaan Matabaan iyo Guri-ceel.
Gudoomiyaha oo waramayay Idaacada Risaala oo wax laga weydiiyay waxa sahlay in Maxaas ay qabsadaan Alshabaab ayaa si cad u sheegay in markii la qabsanayay ay iyaga ka gacan sareeyeen Alshabaab islamarkaana ay 7 weerar ay iska difaaceen kana dileen dagaalamayaal badan.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay inay ugu danbeyn Alshabab adeegsadeen taatikada gaariga qaraxa ay ka soo buuxiyeen kaasoo ay ku laayeen ciidamadii reer Maxaas,gurmadkooda iyo agabyadoodii intaba., taasina ay u suragashay alshabaab inay magaalada ku qabsadaan.
“7 Saac ayaan dagaal kula jirnay Al-Shabaab, wax gurmad ah kama helin Dowladda iyo dhinaca Galgaduud, haddii gacmaha la isa saarto Matabaan iyo Guriceel ayaa ku xigata, wixii aan heynay haddaa la ogaanaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Maxaas.
Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu muujiyay inay iyagu difaac u ahaayeen Galgaduud balse lagu fiirsaday dagaalka sidaas daraadeedna ay hada sahlan tahay in Alshabaab qabsadaan Matabaan iyo Guri-ceel.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
