HomeWarkiiXOGTA: Taliye qaaday talaabo mar la arag ah kadib markii Haweeney wariye...

XOGTA: Taliye qaaday talaabo mar la arag ah kadib markii Haweeney wariye ah Kismaayo kaga dhawaaqday inay isu dili doonto duruufo nololeed 

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Haweeney Wariye ahayd ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxay kaga dhawaaqday inay isu dili doonto duruufo nololeed oo soo wajahday darteed.
Sida lagu baahiyay Jubaland Media haweeneydaan ayaa ahayd saxafiyad ka howlgali jirtay Radio Star FM xarunteeda magaalada Kismaayo taasoo u adkeysan waysay duruufo xaga nolosha ah oo soo wajahday.
Waxay baraha bulshada ku faafisay inay is dileyso ka gadaal markii ay nolosha ku adkaatay oo ay laso darseen duruufo nololeed.
Kadib fariinta haweeneydaan ka timid waxaa durba si degdeg ah uga jawaabay Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Jubada hoose Col Sadiiq Maxamuud Dhogor kaasoo qaaday talaabo mar la arag ah markii uu haweeneyda u sameeyay balan qaad ah inuu diyaar ula yahay garab istaag.
Taliye Sadiiq waxa uu balan qaaday haweeneyda inuu isagau masruui doono wixii hada ka danbeeya  iyada iyo ubadkeeda,sidoo kale wuxuu u balan qaaday inuu siinayo shaqo ay ku maareyso nolosheeda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, headscarf, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -