HomeWarkiiXOGTA: Dilalkii ugu yaabka badnaa oo Baydhabo ka dhacday .

XOGTA: Dilalkii ugu yaabka badnaa oo Baydhabo ka dhacday .

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacda arin la yaabkeeda leh oo aan hore nuuceeda uga dhicin Baydhaba.

Shalay Magaalada Baydhabo Askari ayaa ku dilay oo nafta dhaafiyay askari kale kadibna ciidamada amaanka ayaa qabtay gacan ku dhiiglihii xabsiga ayayna dhigeen si sharciga loo waafajiyo.

Waxaa cajiib ahayd in askari ehel dhaw la ah kii la dilay uu xabsiga tagay kadibna toogtay oo nafata dhaafiyay gacan ku dhiiglihii balse maxaa dhacay Hay;adaha amniga way qabteen gacan ku dhiiglaha danbe ee xabsiga dilka ka geystay.

Arinta ugu cajiibsan ayaa ah in Maanta tiirka la geeyay askarigii aar gudashada u tagay Xabsiga ee dilay kii shalay dilka bilaabay , ugu danbeyn meel fagaare ah ayaa goor dhaw lagu toogtay askarigii hiilada sameynayay sidaas waxaa shalay iyo maanta dhulka uga hos maray sedex askari.

Askariga kow dilka bilaabay ayaa sababay inay sedexdooda wada geeriyoodaan, midka isagaa nafta dhaafiyay halka kan kale isaga markii uu toogtay loo qisaasay, goobta fagaaraha ee goor dhaw toogashada ay ka dhacday halkaani hoose ka daawo.

XAFIISKA WARARA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -