WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Kadib Weerar culus oo maalmo ka hor ay Alshabaab ku qabsadeen Deeganka Jabad-Godane oo ah duleedka Magaalo Xaabeedka Warsheekh ayaa ugu danbeyn waxa ugu danbeeyay shalay Alshabaab laga saaray deegaankaasi kadib dagaalo xoogan oo dhacay.
Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in dhufeysyo adag oo Alshabaab ka qoteen degaankaasi looga saaray duqeymo shalay ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Turkey sida aan xogta ku helnay, waxayna sahashay in Alshabaab laga saaro deegaankaasi.
Duqeymaha diyaaradaha Turkey oo si gaar ah u bartilmaameedsaday dhufeysyada dagaalamayaasha Alshabaab kadib ayay Ciidamada Milateriga Dowlada Somalia sida Gor-Gor iyo Danab waxay gudaha u galeen degaankaasi iyagoona si dhameystiran Alshabaab uga saaray deegaankaasi oo muhiim u ah amniga Caasimada Somalia.
Dowlada Turey oo dooneysa inay Gobolka Shabeelaha dhexe ka dhisato saldhig ay dayax gacmeed ka hirgelineyso ayaa u muuqata inay ahmiyad siinayaan dagaalada Gobolkaasi looga saarayo dagaalamayaasha Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

