HomeWarkiiXOGTA: Wada-hadal dhex maray Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe

XOGTA: Wada-hadal dhex maray Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe

Warar hoose ayaa sheegaya inay qadka teelka  ku wada hadleen Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kaasoo uu ka soo shaqeeyay taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo dhawaan gaaray Kismaayo.

Wada-hadalka oo Kenya garwadeen ka tahay ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu xaliyo khilaaka labada dhinac ee gaaray heer gacan ka hadal marka la eego dagaalada ka socda Gobolka Geddo gaar ahaan Magaalada Balad-xaawo.

Inkastoo aan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen labada masuul ayaa hadana wararka la helayo waxay sheegayaan in Axmed Madoobe gaaray Nairoobi kadib wada hadalka isaga iyo Madaxweyne Xasan.

Dhamaadkii sanadkii 2024-kii ayuu qarxay khilaafka labada dhinac iyo waliba dagaaladii ugu horeeyay ee dhexmaray markii la isku gacan qaaday gudaha Gobolka Jubada hoose gaar ahaan halka loo yaqaan Raas-kanbooni,iyo sidoo kale kala barka sanadka 2025 oo mar kale Geddo la isku gacan qaaday taasoo keentay Dowlada iyo Axmed Madoobe hada ka kala taliyaan Jubada hoose iyo Geddo,.

Dhanka kale lama saadaalin karo ujeedka Dowlada Kenya ka leedahay dhex dhexaadinta ay hada bilowday halka hore ay uga gaabsatay ,waxaa suurtagal ah inay Kenyaanku shaki ka qabaan maamulka Jubaland ee Geddo ay Dowladu ka dhiseyso madaama Gedo xuduud la leedahay Kenya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -