MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Asbuucii u danbeeyay waxaa si xowli ah baraha bulshada loogu shaaciyay warar sheegaya in Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre uu heshiis hoosaad la galay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku saabsan inuu mudo kordhin sameysanayo Madaxweynaha islamarkaana uu taageero uga helay Xassan Cali Kheyre oo ka mid ah mucaaradka kuwa ugu tunka weyn ee sida gaarka ah ah reerkiisu ugu hubeysan yihiin Magaalada Muqdisho.
Haddaba waxaan Xogtaan idinkula wadaageynaa inaan qiimeyn ku sameynay jiritaanka warkaasi, wax cadeyn ah waan u weynay jiritaanka warkaasi islamarkaana ay tahay sheekooyin ka mid ah kuwa mar kasta baraha bulshada lagu jahwareeriyo dadka Soomaaliyeed.
Warar waxaa jirta hoose oo sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan kuwa samatabixinta ay isku qabteen arimo ku saabsan iny war ka soo saaraan qorshaha muda kordhinta ee Xasan dhankiisa laga soo tabiyay taasoo iyada laftigeeda aan cadeyn rasmi ah loo heyn islamarkaana Dowladu si rasmi ah ugu dhawaaqin.
Wararkaasi ayaa qaarkood waxay sheegayaan inay laba u kala qeybsameen madasha samatabnixinta iyadoo Sharii,Shirdoon iyo C/raxman C/shukur soo jeediyeen inay hada ka hortagaan oo muda kororsiga oo war ka soo saaraan halka Xasan Cali Kheyre iyo Rooble ay soo jeediyeen in wax aan la hubin ka hadalkeeda la iska dhaafo taasoo oo badalay marka Xasan Cali Kheyre Xasan Sheekh buu heshiis hoosaad la galay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
