HomeWarkiiXOGTA: Warqada Villa Somalia ka soo baxday oo caqabad ku noqon karta...

XOGTA: Warqada Villa Somalia ka soo baxday oo caqabad ku noqon karta qorshaha labaad ee Xasan Sheekh

In Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ay ku ballameen wareeg kale oo wadahal ah waxaa faa’iido ku qaba Axmed Madoobe, oo taasi waxay daahineysa ama hor istaageysa inuu Xasan Sheekh ku dhaqaaqo go’aankiisii Gedo.

Madaxweyne Xasan wuxuu kooxdiisa u sheegay intii uusan Kismaayo aaddin in hadii ay Axmed Madoobe soo heshiin waayan, inuu bil gudaheed Jubbaland cusub ku dhisi doono magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo, laakiin hab-qoraalka ay Villa Soomaaliya faafisay maanta waa jiheyn waayay qorshaha xiga ee madaxweynaha.

Xitaa hadii uu qoraalka Villa Soomaaliya af-gobaadsi ahaa, qaab sidaas ka duwan ayaa loo dhigi karay, oo wax weyn u hambeyn kartay hiigsiga xiga ee madaxweynaha.

Hada Xasan Sheekh gacmaha ayuu iska xiray, reer Gedo hubanti la’aan ayuu sii galiyay, mana heysto xaqiiqo u sheegeysa inuu Axmed Madoobe u hoggaansami doono hadii wareeg kale oo wadahadal ah la qabto.

WAXAA QOREY:  WARIYE C/LLAAHI CUSMAAN FAARAX

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -