NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Sida aan xogta ku helnay waxaa saacadihii ugu dambeeyay Nairobi la soo gaarsiiyay Meydadka laba wiil oo Soomaali ah kuwaasoo lagu soo dilay Dalka Serbia.
Allaha u naxariistee labada wiil oo qoysaskoodu degan yihiin Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaan xogta ku helnay inay dhawaan ka baxeen Nairobi iyagoona qaab tahriib oo kale ah ku gaareen dalka Serbia si ay uga sii galaan dalalka kale ee reer Yurub sida Germany iyo kuwa kale.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada wiil oo markii horana Kenya iska raacay in meydadkooda hal meel la soo dhigay xarunta Dalka Serbia balse mid ka mid ah waxaa la ogaaday in dilkiisa loo adeegsaday koronto.
Lama oga in dilkaani Dowlada ku lug leedahay iyo in qolo burcad ah ka dambveeyaan inkastoo baaritaan la wado.
Warar ku dhaw dhaw qoysaska labada wiil ee la dilay ayaa sheegaya in mid kasta meydadkaasi lagu bixiyay 10 kun doolar sidaasna lagu soo gaarsiiyay Magaalada Nairobi oo lagu aasay.
XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
