MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isa soo taraya cabsida ay shacabka reer Muqdisho ka qabaan in lagu dul dagaalamo beri oo sabti ah madaama Mucaaradka Soomaaliya ay iclaamiyeen banaan bax xaafado kala duwan lagu qabanayo xili Dowladuna diidan tahay.
Shacabk reer Muqdisho ayaa xasuusta Dowladii hore ee Farmaajo in banaan bax sidaan oo kale ay mucaaradku iclaamiyeen inuu sababay in ciidamada Dowladu rasaas huwiyeen banaan baxayaasha oo waagaasi ay hogaaminayeen Xasan Cali Kheyre ,C/raxmaan C/shukuur Warsame iyo siyaasiyiin kale kuwaasoo rasaas hoosta loogu dhigay taasoo keentay in ilaalo la socotay ay iyaguna rasaas ku jawaabaan.
Ciidamada Dowlada ayaa durba waxay ciidamo iyo gaadiid dagaal sii dhigeen goobo cayiman oo Muqdisho ka tirsan taasoo jimcaha maanta aad looga hadal hayo Magaalada Muqdisho , waxayna sii kordhineysaa cabsida laga qabo inay mucaaradka iyo Booliiska Dowladu isku dhacaan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan iclaamiyay inay sedex meelood ku kala qaban doonaan banaan baxa islamarkaana uu yahay xaq dastuuri ah inay banaan bax nabadeed qabsadaan, Shariif wuxuu xusay in sedexda goobood ay isugu soo bixi doonaan shacabka ay kala yihiin Siinaay ,Dayniile iyo Taribuunka.
Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in mucaaradku u gudbiyeen wasaarada amniga Somalia ogeysiiska ah inay beri Muqdisho ku dhigayaan banaan bax nabadeed oo ay cabashadooda dhanka Dowlada ku soo bandhigi doonaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
