Waxaa banaanka yimid Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo C/casiis Laftagareen oo ah Madaxweynaha Maamulka Koofur-galbeed xili ay isku wanaagsanaateen tan iyo markii dhawaan uu lafta-gareen ku biiray Xisbiga Madaxweyne Xassan ee JSP.
Khilaafkaan ayaa laga war helay markii Laftagareen si cad u diiday in siyaasiyiinta reer Koofur-galbeed uu saaka u diiday inay gaaraan Baydhaba xili dhawaan Madaxweyne Xasan uu kala hadlay Laftagareen inuu u fasaxo Gudoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal oo saaxiibo hoosana la ah Madaxweynaha markaasuu uu aqbalay.
Laakiin Saaka Laftagareen wuxuu Muqdisho ku xanibay diyaarad uu saarnaa Maxamed Mursal oo Baydhaba ku wajahneyd waxaana hada soo baxeysa sababta Laftagareen ugu booday Madaxweyne Xassan.
Xildhibaan C/rashiid Jire ayaa goor dhaw abaare 11-barqanimo ee saaka wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo sababta rasmiga ah ee Laftagareen talaabadaani u qaaday,Xildhibaan Jire wuxuu sheegay in Laftagareen shuruud uga dhigay in Madaxweyne Xasan aqbalo banaan-baxa mucaaradka hadii uu rabo inuu siyaasiyiinta reer Koofur-Galbeed u fasaxo inay Baydhaba tagaan.
“HSHM wuxuu yiri(Laftagareen siyaasiyiinta fasax oo Baydhabo ha tagaan)
Laftagareena wuxuu yiri(warta-nabada ayaad siyaasiyiinta ku soo xabadeeysay,banaanbaxna u diiday ee marka hore kuwa kula jooga fasax” ayuu yiri
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
