Wargeyska Washington Post ayaa shaaciyay inay sirdoonka Mareykanka dhageysteen Saraakiil u dhalatay Dalka Iiraan oo qadka teelka kaga wada hadlayay arinta weerarkii loo geystay xarumahooda nuyukleerka iyo waxa soo gaaray.
Washington Post wuxuu soo xigtay sirdoonka Mareykanka in saraakiisha Iiran isku raaceen in weerarkii Mareykanka uusan wax dhibaato soo gaarsiin xarumahooda Nuyukleerka taasoo gabi ahaanba wax kama jiraan ka dhigaysa sheegashada Ameerikaanka ee ah inay burburiyeen Nuyukleerka Iiran .
Inkastoo dhageysiga teleefoonka saraakiisha Iiraan ay u sahashay Mareykanka inay ogaadaan xogta rasmiga ah ee kala cadeyneysa in Iiran qarsaneyso jugteeda iyo in dhibaato soo gaartay hadana waxaa dhici karta Saraakiisha Iiraan ogaayeen in la dhageysan doono islamarkaana ay warar been guur ah ku hadleen
Marka la eego dhanka isu been guurka sirdoonada waa weyn ee caalamka Inta badan xitaa waxaa dhici karta in sirdoonka Mareykanka uu xog qaldan faafiyo si uu fal celinta wax uga dhex qaato.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ