HomeWarkiiXooga Dalka oo abaal-marin lacageed gudoonsiiyay reer miyi dileen laba Alshabaab ka...

Xooga Dalka oo abaal-marin lacageed gudoonsiiyay reer miyi dileen laba Alshabaab ka trsanaa+SAWIRRO

Si loo dhiirrigeliyo geesiyadii fuliyay howlgalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhoqor ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/dhexe Cali Axmed Xaanshi (Cali Cageey), maanta guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan 2,000 oo doolar laba wiil oo reer miyi ah.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabo Salaad Maxamed Cali iyo Cabdi Cabdullaahi Cali ayaa si geesinimo ah ku muujiyay howlgalkii ay ku dileen laba dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo xilligaas ku sugnaa deegaanka Dhoqor, kadib markii ay qoryaha ka furteen iyagoo ku guda jiray falashada beerahooda.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay laba qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo ay geesiyadu ka furteen cadowga. Waxay faahfaahin ka bixiyeen sida ay ugu suuragashay inay khaarijiyaan dhagar-qabayaasha, isla markaana ay hubkooda gacanta ku dhigaan.

Geesiyadu waxay u mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Ciidanka XDS, oo gudoonsiiyay abaalmarintan dhiirrigelinta ah.
May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and text that says "KED Abdullahi Bare m AbdullahiBareEmi eme 농성 の"May be an image of one or more people and text that says "KED Abdullahi Bare m AbdullahiBareEmi eme 농성 の"May be an image of one or more people and people smilingMay be an image of one or more peopleMay be an image of musical instrument and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of one or more people and textMay be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎ال ጉን ንነ‎"‎‎May be an image of one or more people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -