JIG-JIGA:
Ururka Al-shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay xadka u dhaxeeya deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wadanka Soomaaliya.

Ku dhawaad 100 qof oo looga shakiyey in xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab ayaa lagu xidhay Jigjiga, kuwaas oo laga soo qabtay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, sida uu Channel 4-TV u sheegay Taliye ku xigeenka booliska deegaanka Soomaalida Maxamuud Sheekh Axmed.

Korneel Deeq Axmed oo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay Al-Shabaab isku hor fadhiyaan Magaalada Ceel-Barde oo ay isu jiraan wax ka yar 3-KM oo kaliya.

Kornaylku waxa uu sheegay in ay hadh iyo habeenba usoo jeedaan Nabad gelyada shacabka deegaanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here