Lamu (dayniiile.com)-Wararka laga Helaayo Is-maamulka Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in la waayay xoolo dhaqato Somali Kenyan ah kuwaasoo markii ugu danbeysay xoolo ku daajinayay duurka Lamu.

Dadkaan oo tiradooda lagu sheegay ilaa sedex ruux ayaa ayaa dhamaantood ah  dad Soomaaii kenyan ah waxaana lala xiriiray Hay’adaha amniga sida Booliiska si ay meel ugu sheegaan.

Advertisement

Ehalada ayaa dalbanaya in raq iyo ruuxba ay Dwlada kenya ka doonayaan sidii ay u heli lahaayeen dadka ka maqan,waxay xuseen inay duuganayaan hadii la dilay balse hadii ay nool yihiin dib xoriyadooda loo siiyo.

Sida lagu yaqaan dhaqanka Ciidamada sirdoonka Kenya dadka la waayo iyagaa kaxeysta aad bayna u adagtahay in xitaa la helo meel ay ku hayaan.

Inta badan dadka ay  ku sheegaan inay Alshabaab la shaqeeyaan ama ayba ka tirsan yihiin xitaa dib danbe in loo arko way adag tahay,hal wado kaliya ayayna inta badan dadkaasi ku sii daayaan waana madax furasho aad u badan.

Sida ehalada dadka la waayay ay sheegeen waxaa xoolo dhaqatadaan dad ugu war danbeysay bil ka hor,sidoo kale ehaladu waxay aaminsan yihiin in Booliisku ugu yaran og yihiin meesha dadkaani lagu hayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMas’uul reer Dhuusa-Mareeb ah oo beeniyay inay qabiil ahaayeen Al-shabaabkii lagu dilay laguna soo qabtay deegaanka Bulacle.
Next articleBoqol ruux iyo Lamaanayaashii oo ku dhintay Xafladii Arooskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here