Waxaa galabta xarunta dhexe ee xisbiga Himilo Qaran lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayay tababar muddo socday islamarkaana lagu soo dhaweeyay xubno cusub oo ku soo biiray xisbiga.
Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynihii 7-aad ee dalka ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed & Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka JFS iyo qaar ka mid ah Xog-hayeyaasha xisbiga.
Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa macalimiinta tabaradda bixinayay uga mahadceliyay sida ay aqoontooda uga faa’iideeyeen dhallinyarada Xisbiga.
Hoggaamiyaha Xisbiga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhallinyarada ka faa’iideysatay fursadan muhiimka ah ee aqoon-kororsiga wuxuuna sidoo kale gacmo furan ku soo dhaweeyay dhallinyarada iyaguna ku soo biirtay Xisbiga.















