MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xubin ka tirsan Mucaaradka ayaa bixiyay Xog sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheeekh uu asbuucaan ku laabanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubaland.
Masuulka xogtaan bixiyay oo ah Xildhibaan C/raxmaan C/shuuur oo xubin ka ah madasha samatabixinta ee mucaaradka Dowlada ayaa barihiisa bulshada ku shaaciyay inuu hayo warar sheegaya safar Madaxweyne Xasan uu ku isku mari doono Dalalka Kenya iyo Itoobiya kadibna uu Kismaayo ku laaban doono si uu mar kale wada hadal ula yeesho Axmed Madoobe oo socdaalkiisii maalmo ka hor uu natiija ;la’aan ku soo dhamaaday.
“Qofbaa igu yiri Madaxweynaha wuxuu maanta u socdaalayaa Addis-ababa, maalin ama labo ka dibna Nairobi, waxaana laga yaabaa in uu toddobaad gudihii Kismaayo dib ugu laabto”ayuu yiri C/raxman C/shukuur oo Faceboob-giisa sidaas ku soo qorey.
Sidoo kale C/raxmaan C/shukuur wuxuu xusay in Madaxweyne Xasan isagoo Kismayo lu laabanaya inuusan hadana ka tanaasulin qorsihiisa Gobolka Gedo uu maamulka cusub uga dhisayo,xildhibaan C/raxmaan wuxuu intaasi ku daray in koox uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Xamza oo wasiirro u badan uu u xilsaaray Madaxweynuhu dhismaha maamulka Jubaland-ta cusub.
“Ra’iisul Wasaaraha iyo koox kale oo wasiirro ah Madaxweynuhu wuxuu ka adeejiyey in ay Gedo hawl maamuldhisid ah ka billaabaan”ayuu mar kale yiri C/raxman C/shukur .
Dhanka kale C/raxmaan C/shukuur Warsame Qoraalkiisa inta ugu danbeya wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuusan la tashi sameyn islamarkaana uu kaliya maankiisa iyo aragtidiisa ku hogaamiyo Dowada, talaabo kastana kula dhaqaaqo dooqiisa iyo heerkulka dabeecaddiisa.
“Madaxweyne Xasan waa nin waxwaliba suuragal ka yihiin, haddana la fili karin waxa suuragalka ka ah. Waa nin maankiisa ka socda, garaadkiisa oo keli ahna ku kalsoon, go’aannadiisuna ku xiran yihiin dooqiisa iyo heerkulka dabeecaddiisa, waddo fududna guul degdeg ah ku raadinaya, aadna u jecel in uu xukunka sii haysto” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur
XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
