Dawlada Federaalka ayaa sheegaty in hawlgal qorshaysanoo ciidanka Qaranka  kasameeyeen  degaaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo khasaare culu loogu geystay Al-Shabaab.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday seddax xarumood oo Al-Shabaab ay lahaayeen deegaanka, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.

Advertisement

Hawlgal kale ayaa ka dhacay xarunta ay deganaayeen maamulka sare ee Al-Shabaab u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay.

Sidoo kale’ Dawlada ayaa sheegtay  in xaruntaas lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.

“Hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab banaankadegaanka  Buq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay goobta ku sugnaa ayaa lahu yiri warkaan ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya  .”

“Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa Alshabaab uga geeryooday 18 Xubnood oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus, waxaa la burburiyay labo xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo dowladda laguna daabacay wqarbaahinta dawlada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here