Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan howllaha doorashooyinka, isagoo tilaamay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday muranka ka taagan guddiyadii dowladda magacawday ee sida weyn uga soo horjeesteen musharaxiinta Madaxaweynaha, isagoo caddeeyay in Guddiyada sida loo magacaabay ay yihiin, marxaladaha isku xirka u ah doorashadii lagu heshiiyay, doorashadana waqtigeeda ay ku dhaceyso.

“Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay, muhiimka waxaa ah in laga ilaaliyo wax carqalad iyo caqabad dhalinayo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, waana in laga fogaadaa wax kasta hakinaya oo waqtigeeda ama dariiqa looga heshiiyay ka leexinaya, dowladda waxay diyaar u tahay in waqtigeeda arrintaas ku qabsoonto “ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dagaallamaya deegaannada hoostada Galmudug iyo Hirshabelle in colaadda ay ku joojiyaan shuruud la’aan, isagoo tilmaamay in odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanadaas looga baahan yahay kaalintooda ku aaddan sidii colaada loo joojin lahaa.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here