Muqdisho, 14 Oktoobar 2023—-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayey waafajinta sharciga dalka ee qoondada matallaadda haweenka ee boqolkiiba 30, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira goleyaasha dowladda dadaalka ay ugu jiraan in dumarku ay si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Haweenka Soomaaliyeed ay halbowle u yihiin horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada.
Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Kutladda Haweenka ee Golaha Shacabka ee BFS, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka F.S Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 β€”
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, people studying, dais and text that says "DECALE"May be an image of 4 people, headscarf and daisMay be an image of 4 people, headscarf and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people and dais
Previous articleCiidamada Dowlada oo wali Howlgalo ka wada Gobolka Sh.dhexe
Next articleWajiga 4-aad ee Baasaboor Qaadashada Kenya oo Isniinta bilaabanaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here