Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 102-aad ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxaana shir guddoomiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici.

Ugu horrayn, golaha ayaa war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ka war-bixiyey xaaladda guud ee la xiriirta amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku boggaadinayaan Ciidammada Somaliland shaqada ay hayaan.

Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta ee (NDP3), Sidoo kale goluhu ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Golaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Adeegga Kaalmada Sharci, iyada oo goluhu u ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe. Ugu dambayn, goluhu waxaa uu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo xukuumaddu raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Gaba-gabadii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku boorrisay dhammaan shacabka kunool deegaannada Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here