War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska XFS ayaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen sirdoonka Soomaaliya & saaxiibadood ka taageera duqeymaha in lagu beegsaday dagaalamayaal katirsan ‘AS’ oo weerar u qorsheeyay Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Warfaahinta Soomaaliya ayaa sheegtay in qiyaastii 150 xubnood oo katirsan ‘AS’ oo wata labo Gaari oo lagu raray Walxaha Qarxa in weerar lagu beegsaday iyaga oo ku sugan dhul beereed ku yaalla Deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Labada Gaari ee ay Dowladda Federaalku shaacisay in ay wadeen qaraxyada ayay ku kala sheegtay Toyota Homey (Caasi) & Toyota Noah oo aan sidaas uga qaad yareyn marka la eego xamuulka lagu rari karo.

Halkaan ka aqrisho qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS:

Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in sirdoonka qaranka uu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan dagaalamayaasha katirsan ‘AS’ iyaga oo gacan ka helaya waddamada duqeynta cirka ka gacansiiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here