Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi

Wasiir Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug iyo dhallinyaro.

Advertisement

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo

Previous articleCiidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay
Next articleWararkii ugu danbeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Jalalaqsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here