Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta ka ka dhacay shir looga hadlayay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Magaalada Garoowe, oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaradka Saciid Deni.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasimadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.

Advertisement

Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Ismaaciil Saleebaan Geelle, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed, Duqa Caasumadda Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo madax kale.

Gunaanadka shirka ayaa laga soo saaray go’aano gaaraya illaa shan qodob oo kala ah, kuwaa oo ay ka mid yihiin; in deegaannada Puntland gaar ahaan Caasimadda laga mamnuucay in lagu dhex wato hubka sida sharci darrada ah.

Qodobada kale ee ka soo baxay shirka ayaa wax ka mid ah:

  1. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga.
  2. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,
  3. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,
  4. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.
Previous articleFaah Faahino ka soo baxaya Alshabaab & Ciidamadda Jubland oo ku dagaalamay Degaanka Geriley ee gobolka Gedo
Next articleCabdiraxmaan Cirro oo Maxkamadda Sare ee Soomaaliland uga digay in ay abuurto khilaaf cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here