Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisey waqtiga la dhameynayo dhismaha wadada Muqdisho & Afgooye

Ra,iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba gabeey doono muddo laba bil ah.

Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay isku dayday in ay joojiso dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay ku soo qaaday Injineerada ku howlan dhismaha Waddada.

Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka, iyada oo ay inta badan isticmaalaan Gaadiidka Khudaarta ka keena Shabeellaha hoose.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064