Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr. Elmi M. Nur iyo masuuliyiin kale oo xukumadda ah ayaa maanta ka qayb galay munaasabaddi lagu daah furayay Mashruuc lagu magacaabo #DRIVE oo uu Bangiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya

Mashruuca (drive) ayaa loogu talogalay yaraynta halista ka dhalata abaaraha, fulintiisana waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Mashruuca ayaa waxa uu xooladhaqatada Soomaaliyeed ka caawin doonaa in xoolahooda ay u helaan caymis ay kaga badbaadiyaan xilliga abaaraha darani ay jiraan oo xoolo badan ay ku le’daan, sidoo kale mashruuca ayaa fududayn doona dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xoolaha geeska Afrika iyo tayaynta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo dalka.

Daahfurka mashruuca ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, ururrada ka shaqeeya xannaanada xoolaha, shirkadaha caymiska, bangiyada ganacsiga, haweenka ganacsatada ah, hay’adaha caalamiga iyo bulshada rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here