MUQDISO (DAYNIILE.COM)-Ciyaartii Galabta ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho una dhexeysay Kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday wiilasha matalaayay caasimada Xamar.

Ciyaarta oo qeyb ka ah tartanka maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxaa qeybtii hore gool la hor-martay kooxda Gobolka Banaadir sidaas ayaana lagu kala nastay.

Advertisement

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay ayay wax kasta is badaleen markii xulka Gobolka Banaadir ee martida loo ahaa uu la yimid laba gool oo deg deg ah.

jawiga iyo muuqaalka garoonka ayaa mar kaliya is badalay iyadoo awalba taageerayaasha Banaadir ay ku badnaayeen garoonka,waxaa is qabsaday sawaxan iyo dabaal dega taageerayaasha Awlaadul Caasima.

Ciyaarta iyadoo goos goos ah ka daawo muuqaalkaan aan ka soo xiganay Astaan Sports:-

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIIILE.COM

Previous articleTemu | Shop for Clothing, Shoes, Jewelry, Beauty & More
Next articleDowlada Somalia oo eedeyn ba’an u jeedisay Maamulka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here