Xulalka kubada cagta Maamul Goboleed-yada Hirshabelle iyo Juballand ayaa galabta fooda isku daray kulan ka tirsanaa Same-fiinaalaha tartanka Maamul Goboleedyada ee ka socday Garoonka Stadium Muqdisho.

Ciyaarta guud ahaan  90-ka daqiiqo waxay ku soo dhamaatay 0-0 sidaas daraadeed ayaa loo dhigay labada kooxood gool ku laadyo ama rigoorooyin.

Advertisement

Xulka Hirshabelle ayaa ku guuleystay 5-4 sidaas daraadeed ayay Fiinaalka tiigsadeen waxayna sugayaan kooxdii soo badisa Banaadir iyo Gal-mudug oo beri oo arbaco ah wada ciyaaraya kulanka kale ee same-fiinaaalaha.

CIyaartoyda,taageerayaasha iyo macalimiinta Hirshabelle ayaa si weyn ugu dabaal degay guushooda xili ciyaaryahankooda weerarka ka ciyaara C/rixiim uu ku guuleystay xidigii ugu wanaagsanaa ciyaarya Galabta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha iyo Amiirka Dalka Qadar maxay ka wada hadleen+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo kulan dhiiri-gelin ah u sameeyay Saraakiisha Ciidamada Cirka ee soo qalin jebiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here