HomeCiyaarahaXulka kubada cagta Germany oo koobka aduunka usoo baxay markii 21-aad

Xulka kubada cagta Germany oo koobka aduunka usoo baxay markii 21-aad

Xulka afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ee Jarmalka ayaa ugu dambeyntii xaqiijistay booskooda 2026 ka dib markii ay 6-0 ku xasuuqeen Slovakia Isniintii.

Waxa ay noqon doontaa markii 21-aad ee Germany uu ka soo muuqdo Koobka Adduunka, iyadoo labada koob ee kaliya ee uu waddanku seegay ay ahaayeen Koobkii Adduunka ee 1930-kii ee daah furka ahaa oo uusan gelin iyo tartankii 1950-kii oo aan loo ogolayn inuu galo.

Ciyaartoyda Jarmalka waxay ka mid yihiin kuwa lagu ixtiraamo markii la dhaho koobka adduunka gaar ahaan kubada cagta ,waxayna ka mid yihiin dalalka inta badan natiijooyinka wanaagsan ka keena tartankaani.

Sidoo kale koobka Qaramada Yurub sidaas oo kale ayay uga muuqdaan oo waxay ka mid yihiin kuwa kooxaha dhigooda aysan ku farxin markii ay ogaadaan in Jarmalku ku guruub yahay.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -