Kulan ka tirsan Isreebreebka koobka Adduunka 2026 oo ay isaga hor imaadeen xulalka qaranka kubada cagta Somalia iyo Guinea ayaa xulkeena guud daro weyn dusha loo saariyay.
Somalia waxaa looga badiyay 3-0 waxaana qeybta hore lagu nastay Somalia oo hal gool kaliya lagu leeyahay balse ciyaarta qeybteeda danbe ayaa 2 kale loogu daray sidaas ayana looga adkaaday 3-0.
Waxaa xusid mudan in goolka 1-aad uu xulka qaranka Guinea u dhaliyay Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund oo ka dhisan dalka Jarmalka sidoo kalana ka tirsan xulka dalkiisa Guinea kaasoo lagu magacaabo Serhou Guirassy.
Ciyaarta oo ka dhaceysay dalka Uganda ayaa la arkayay Soomaali badan oo taageereysay xulkooda Somalia kuwaasoo garoonka soo camiray inkastoo nalaga adkaaday.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM





