ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ciyaartoyda Xulkeena Qaranka ee Kubada cagta ee 17 jirada ayaa ciyaartii galabta ay la laaheyeen dhigooda South Sudan waxay ku soo dhamaatay bar baro 2-2, ciyaartaan waxay qeyb ka tahay CECAFA U-17 Championship.
Goolka koowaad waxaa ku hor maray xulkeena sidaas ayaana qeybta hore lagu kala nastay balse qeybti danbe ayaa xulkeena la bareejeyay kadibna mid labaad loo saarshay laakiin dhamaadka ciyaarta oo daqiiqado lagu daray ayay Somalia la timid goolka labaad ee bar-baraha ka dhigay ciyaarta.
Ciyarta waxaa ay ka dhacday Magaalada Adis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya waxaana ka soo qeyb-galay Soomaali badan madaama ay aad u jogaan Adis-ababa.
Goolka labaad ee South Sudan ay ka dhalisay Somalia wuxuu ahaa mid muran dhaliyay oo Soomaalidu ay ku doodeen inuusan gool ahayn balse garsooruhu ku saxay.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM





















