ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Waxaa Galabta kulan xiisa badan uu dhexmaray labada xul qaran ee Somalia iyo Rwanda gaar ahaan da’da 17 jirada oo tartankoodu ka socdo Magaalada Adis-ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya,xulka Somalia si la yaqaan ayuu u badiyay.
Qeybta koowaad waxaa lagu kala nastay 0-0 balse qeybta 2-aad ayyay ciyaartoyda Soomaalidu la imaadeen 3 waxayna ku soo dhamaatay 3-0 ay ku awood sheegteen xulkeena Somalia ee 17 jirada.
Xulka Kenya oo la ciyaarayay South Sudan ayay Somaliaya rajadeeda ku jirtay in laga badiyo Kenya balse 2-0 ayay ku badiyeen Kenya sidaas ayayna Somaliya guruubka ugu hareen , xulkeena iyo macalimiintaba beriba inay dalka ku soo laabtaan ayaa la hadal hayaa madaama ay tartanka ka hareen.
Ciyaartoyda Soomaalida waxaa shara u ah in 4 kulan ay dheeleen aan marna dhinacooda la dhigin balse bareejooyinkii badnaa ee aan galnay ayaa sababay inaan ku harno wareega 1-aad.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM






